Nin Soomaali ah oo korona dartii u dilay xaaskiisa oo ay maxkamad xabsi ku xukuntay.

Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa ku xkuntay xabsi daa’in muwaadin Somali British ah, kaasoo bishii April ee sanadkii hore xaaskiisa ku dilay Waqooyiga London.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir ah ahna darawal basaska dadweynaha ayaa maxkamadda ka hor qirtay in xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Maryan Ismaaciil uu dilay kadib markii ay guriga ugu ceyrisay markii uu ku dhacay cudurka COVID19, kuna qeylisay si uu uga fogaado iyada iyo caruur kale oo ay haysatay oo ay nin kale u dhashay.

Meydka haweeneydan oo 57 jir ahayd ayaa laga helay fadhiga gurigeeda iyadoo lag daboolay busto, sida ay boolisku u sheegeen maxkamadda.

Waxaa maxkamadda loo sheegay in ilaa iyo 70 dhaawac oo kala duwan lagu arkay jirkeeda, iyadoo dhaawacyada ugu badan ay ku yaaleen xabadka iyo madaxa.

Xuseen ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in uu isdifaacayay islamarkaana cudurkii ku dhacay uu jahwareeriyay kuna riday isbadal maskaxeed, taasoo keentay geerida marxuumada.

Balse garsooraha maxkamadda Mark Lucraft QC ayaa ku gacanseyray sheegashada Xuseem isgoo sheegay in baaritaanka maskaxeed ee la sameeyay u mujinaya inu Xiseen ay maskaxdiisa fiyoobeyd.

“Sababta kugu qaaday dilka adiga un ayaa og. Wax yar ka or dilka iyo xitaa a dib, nolol maalmeedkaada ayaad iska wadatay. Waxaa muuqtay in aadan wax shalayto ah ka muujinayay dilka. Marka aan eegay caddeymha la I horkeenay o dhan, waxaa muuqatay inaad ahayd qof ay caro badan ka muuqtay markii aad dilka gaysaneysay. Sabab kasta ha ku timaadee, waxaa ii muuqata inaad si ula kac ah u dhishay xaaskaada”, ayuu yiri garsooraha.

Garsooraha ayaa sidoo kale ku gacanseyray sheegashada Xusen ee ahayd inuu is difaacayay maadama Xuseen jirkiisa uusan wax nabar ah ka muuqanin markii la soo qabtay.

BBC Somali