EAC oo Dib u Dhigtay Codsi Soomaaliya Ku Doonaysay Xubinnimada Ururkaas.

MUQDISHO:-Codsigii Soomaaliya ee Xubinnimada Ururka ay ku bahoobeyn bulshada bariga Afrika ee (EAC) ayaa dib loo dhigay.

Hoggaamiyeyaasha ka qeybgalayay shir madaxeedka 21-aad ee ururka ayaa isku raacay in dib loo dhigo codsiga Soomaaliya ay ku doonayso in ay xubin uga noqoto ururka.

Shirka hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah EAC ayay iskula garteen in goluhu dib u eegis dhamaystiran ku samayn doono codsiga uga yimid Soomaaliya.

EAC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in uusan weli dhameystirmin hannaankii ay Soomaaliya uga mid noqon lahayd ururka.

Shir madaxeedka ururka EAC ay shalay ku yeesheen aalladda Internet-ka ayay hoggaanka ururka ugu doorteen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isaga oo xilka kala wareegay madaxweynaha Rwanda oo uruka hoggaaminayay tan iyo 2019-kii.

2016-kii ayay ahayd markii xubnaha ururku ay ku gacan-seyreen codsi Soomaaliya ay ku doonaysay xubinnimadda “EAC” iyaga oo taasi sabab uga dhigay nabadgelyo la’aanta Soomaaliya ka jirtay muddada dheer, hase yeeshee Soomaaliya ayaa markale u kabo qaadatay in ay raadso ka mid noqosgada ururka.

Ururka EAC ayaa ah ururka ay ku mideysanyihiin dalalka harooyinka waaweyn ee Afrika waxayna iskaashi buuxa ka leeyihiin arrimaha ganacsiga, isu-socodka, dalxiiska, mideynta canshuuraha iyo arrimo kale.

EAC sidoo kale waxa uu qeyb lixaad leh ka cayaaraa horumarka dhaqaale iyo midda bulsho ee qaaradda Afrika.

Waxaa xilligan xubno ka ah ururka EAC dalalka Kenya, Tanzania, Yugaandha, Rwanda, Burundi iyo Koofurta Suudaan.