Al-Shabaab oo goob fagaara ah ku dilay Nin maxkamadooda ku xukuntay Dil Toogasho ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Buula Fuulaay ee gobolka Baay waxaa xukun ay ku fuliyeen Nin ku eedeysnaa in uu horay dil u geystay.

Boqolaal shacab ah ayaa oo laga soo kala aruuriyay xaafadaha Buula Fuulay ee gobolka Baay ayaa daawanayay xukunka dilka ah ee maxkamadda Alshabaab ay ku fulisay Ninkaas o la sheegay in uu Gacan ku dhiigle ahaa.

Maxkamadda Alshabaab ee deegaanka Buula Fuulaay aya shegtay in Nuur Isxaaq Aadan uu si bareer ah udilay Caddoow Naxariis Aadan oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kalana Maxkamadda Alshabaab ayaa sheegtay in Ehelada ay u bandhigtay Sedax Khayaar oo ay kala doooran kareen oo kala ahaa in ay cafiyaan Gacan ku dhiiglaha,in ay loo toogto iyo in Diyo laga siiyo,islamarkaana ay doorteen in loo qisaaso Nuur Isxaaq Aadam.