lama canaantaa Caanihii daadiyay

Somalidu waxay ku maahmaahdaa ” lama canaantaa Caanihii daadiyay”.
Labadii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa la gubay Tuulooyin ku yiil Sh/hoose oo ey deganaayeen 1000 yaal Qooys, waxaa la burburiyay Dugsigii Hooyga Xamar ee Muqadisho oo ey dhiganayeen jiifanayeena in ka badan 3000 Arday.
weli ma maqal Dowlad iyo Mucaarad ka hadlayo. sababta oo ah waxaa arrintaa Dan u arakya oo maslaxadna ka dhax arkay Xarakada Al-Shabaab iyo Ganacsatada oo Labaduba ka Awood badan Dowlada iyo Mucaaradka.
Xarakada Al Ahabaab iyo Ganacsatadu waa Laba quwadood oo Awood ku leh Dalka oo aan la inkiri karin, Go’aanadoodana fuliyo inkasta oo labadoodu ey sii kala Awood badan yihiin.
Laakin Dowlada iyo Mucaaradka awoodoodu waa hadal u badan Cambaareyn, Tacsi, handadaad intii ayeeyna gabeen hadda. Shacabkii oo dhiban ayey hadda ku mashquuliyeen siyaasad iyaguba eyna fahamsaneyn oo AMISOM , UN iyo in kale oo aan muuqan ey Gadaal u fadhiyaan.
FG: Aamusnaanta Muujineyso Awood yarida ee Mucaarad iyo Muxaafid IYO Ficilada Xarakada Al Shabaab iyo Ganacsatafa ee muujinayo Awood fulineed IYO Bahalnimada Beesha Caalamka, waa laga wada Aamusay ee Anna ma ka Aamusaa?.
Qore: Yahya Amir