Dr Mohamed Mohamoud Cilusoow Iyo Falanqeyntii heshiiskii Dowladda iyo micaaradka

Falanqeynta Heshiiska dhexmaray RW Maxamed Xussein Roble, Madaxweynayaasha DG Hirshabelle iyo Galmudug, iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir, iyo Midowga Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha

Heshiiska Magaalada Muqdisho ku dhexmaray RW Maxamed Xussein Roble, Madaxweynayaasha DG Galmudug iyo Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Midowga Musharrixinta Xilka Madaxweynaha JFS, maanta oo taarikhdu tahay 25 Febraayo 2021, waa mid Midowga Musharrixiinta aysan ka fiirsan, dhaawacay sumcaddooda. Heshiiska wa mid ka soo horjeeda isku aadanaanka Midowga Musharrixiina iyo DFS oo DG iyo Gobolka Benadir ku soo bireen. Ma cadda sababta DG Galmudug iyo Hirshabelle iyo Gobolka Benadir loogu qoray heshiiska dhexmarayay RW Maxamed Xussein Roble iyo Midowga Musharrixiinta. Waxaa dhici karta in lagu tala galay in dadweynaha loo tuso in Midowga Musharrixiinta ku biiray kooxda Madaxweyne hore Farmajo oo kala ahaa Galmudug, Hirshabelle, Gobolka Benadir, Koofur Galbed. Sida darted, Jubbaland iyo Puntland yihiin gooni goosato ay tahay in laga tashado. Waa la arki doona sida Midowga Musharrixiinta u fasiraan arrintaas.

Heshiisku wuxuu marin habaabiyay dadaalka loogu jiray difaaca dastuurka kmg, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada mucaaradka, midnimada isbaheysiga ka soo horjeeday xukun boobka iyo sharcidarrada Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmajo. Heshiiska wuxuu jillaafeyay halganka loogu jiray in dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho nabad ah, xor iyo xalaal ah oo muddo maqcuul ah. Heshiisku wuxuu hor istaagay in Midowga Musharrixiinta wax ka fadhiistaan miiska wada xajooka doorashada iyo mustaqbalka iyo doorka Madaxweyne Farmajo ka qaadanayo.
Heshiishka wuxuu hakad iyo ka fiirsi gelinaya qoraalkii Midowga Musharrixiinta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, kuna codsadeen dhismaha Golaha Qaranka. Heshiiska wuxuu midowga musharrixiinta ka hor istaagay inay bannaanbax dambe ka sameeyaan Magaalada Muqdisho haddii aysan dowladda federaalka ka helin oggolaansho, taaso dhaawac weyn ku ah xaqa xorriyada bannaanbaxa Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka waxay ku guuleystay meelmarka fikirka awood sheegashada oo oranaya “DF waa dileysa, waa dhaawaceysa, waa xireysa, guryahana waa ka dumineysa muwaadiniinta sameysa bannaanbax aysan raalli ka aheyn. Sidaa darted, danta muwaadiniinta waxay ku jirtaa inaysan sameyn bannanbax aysan dowladda raalli ka aheyn.”

Heshiiska wuxuu go’aamiyay bilowga wada hadal muddo dheer socanaya oo looga hadlayo siyaasadda iyo doorashada ilaa laga baxayo abaaraha iyo fatahada imaan doona dhammaadka 2021 ilaa bilowga 2022.

Nuxurka 6 qodob ee lagu heshiiyay:

1. Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku hadleysa magaca Ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan xubnaha Midowga Musharrixiinta waaxay caddeysay inay ka xun tahay wixii dhacay ama soo gaaray shacabka somaaliyeed iyo Midowga Musharrixiinta, waxaana magacaabaya guddi soo baara sida wax u dhaceen, taaso waqti qaadan doonta. 20 Guddi ayaa 4 sano ee la soo dhaafay la magacaabay, welina ma jiraan wax ka soo baxay.
DFS ma qiran inay weerar ku soo qaaday habeenkii iyio maalintii Jimcaha Hotelka Maa’ida iyo bannanbixi KM4, mana bixin cudurdaar. Gardarrada dhacdada 19ka Febraayo 2021 waa mid la baarayo; DFS waxay sheegtay in Milishiyaad soo weerareen Ciidammada DFS, taaso ah dambi qaran.

2. DFS waxay damaan qaadeysa hadda kaddib inay inay ilaalinayso xaqa bannaanbaxa ku qoran qodobka 20, taaso macnaheedu yahasy in Madaxweynaha JFS iyo RW Xukuumadda xusuusan inay ku dhaarteen ilaalinta qodobka 20 markii loo doortay xilalkooda. DFS ma dammanad qaadin ilaalinta 142 qodob ee kale.

3. Qodobka saddexaad wuxuu burrinaya qodobka 2 iyo qodobka dastuurka kmg oo dhigaya inaan Dowladda looga baahneyn oggolaansho marka la sameynayo bannanbaxa. Qodobkaan wuxuu ka horjeeda xaqa muwaadin kasta oo qaba cabasho u leeyahay inuu sameeyo bannaanbax oggolaansho la’aan. Shardi ma ahan in marka hore cabashada la hubiyo, lana oggolaado.

4. Qododkaan waa kan ugu macnaha weyn, waana midka Midowga Musharrixiinta iyo taagerayaashooda looga joojinayo inay sameeyaan bannanbax 26 Febraayo 2021 iyo wixii ka dambeeya.

5. Qodobkaan wuxuu sheegaya in bannanbaxa la joojiyay 26 Febraayo la sameyn doono 10 maalmood gudahooda, waxaase shardi ah in guddi ka kooban Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharrixiinta isla qabanqaabiyaan taaso ah wax lagu qoslo. Haddii la is khilaafo, Midowga Musharrixiintana kuma dhawaaqi karaan bannanbax waayo waxay jebinayaan shardiga qodobkaan. Qodobkaan waa fadeexo.

6. Waxaa la isku afgartay in wadahadallada arrimaha siyaasadda iyo doorashada la sii wado, taaso macnaheedu yahay in la bilaabay wadahadallada arrimaha siyaasadda iyo doorashada. Sii wadidda wada hadalka arrimaha siyaasadda iyo doorashada waxay khilaafsan tahay Mowqifyadii hore ee Midowga Musharrixiinta caalamka la wadaageen, kaddibna DG Puntland iyo Jubbaland ku taageeren. Qaabka iyo muddada wadahadallada lama caddeyn. Qodobkaan waa mid dhaawacaya isbaheysiga Mucaaradda ka soo horjeeday Dowladda Federaalka oo ka koobnaa Midowga Musharrixinta, Puntland, iyo Jubbaland. Wuxuu kaloo qodobkaan taageraya xubnaha beesha caalamka oo qabay in Madaxweyne Farmajo hayn doono xilka Madaxweynnimo ilaa doorasho barlamaan iyo mid madaxweyne ka dhaceyso, asaguna ka arrimin doono hirgelinta doorashada dadban ilaa 2022.

Khudbadaha la jeediyay xafladda heshiiska looga dhawaaqay:

1. Khudbadda fiirada gaar ah leh waxay aheyd khudbadda RW Roble oo sida Madaxweynihiisa Farmajo soo jeediyay khubad ka soo horjeeda heshiiska shirka, wuxuuna ka hadlayay arrimo la yaab leh oo aan wax xiriir ah la laheyn ujeedada ballaaran ee heshiiska ku saabsan yahay sida Cudurka COVID-19, Abaaraha iyo Fatahaadda 2021-2022. Hadallada RW Roble yiri waxaa ka mid ahaa ka mahadcelin tusaalaha, tilmaamaha, iyo taagerada Madaxweyne Farmajo ku siiyay oggolaanshaha qoddobada heshiiska ayadoo kuwo kale sida ka qaybgalka Midowga Musharrixiinta wada hadallada arrimaha siyaasadda iyo doorasha oo uu ka diiday iyo in heshiiska ka soo sheeqeeyeen shakhsiyad uu ku tilmaamay farmayaqanno oo siyaasiyiinta Muqdisho si fiican u yaqaaniin madaama ay ahaayeen dhallanrogayaasha siyaasadda Muqdisho 12 sano ee la soo dhaafay iyo in DF diyaar u tahay qabashada doorashada lagu muransan yahay.

RW Roble wuxuu ku guuleystay in Hawiyaha Mucaaradka ah la shiraan si Madaxweyne Farmajo u galo daaha qadaashisa, una fuliyo siyaasadihii iyo dibindaabyadii uu la wadaagay Madaxweyne Siciid Deni oo aan cidna beenin warkiisa runta ahaa. RW Roble wuxuu buuxin doona kaalintii Dubbe ee RW Xassan Cali Kheyre ku jiray saddex sano iyo bar.

Waa maangaabnimo in Madaxweyne Sicid Deni lagu jaa’ifeeyo inuu rabo dagaal ka daca Muqdisho. Madaxweyne Sicid Deni waa caddeeyay inuusan rabin dagaal ka dhaca Muqdisho, wuxuuna qirtay in DF ka wado DG Puntland fidno, musuqmaasuq, qas iyo kicin bulsho. Sidaa darted, ma jirto sabab Madaxweyne Sicid Deni loo tuhmo, looga afminshaareeyo. Af buuxa ayuu ku sheegay inuu u adeegayo, difaacayo, ilaalinayo danaha Puntland, taaso ku ah waajib dastuuri ah.

Dagaalka waxaa hurinaya Ex Madaxweyne Farmajo oo ku tashaday, una tabaabusheystay inuu xoog ku muquuniyo, ku xukumo ummadda Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan reer Muqdisho. Guryaha iyo xoolaha iyo gunnimada waxaa ka qiimo badan xorriyada iyo karaamada qofka. Dad badan ayaa naftooda u huray, una dhintay si kuwa ka dambeeya ugu noolaadaan gobannimo iyo sharaf.

Dowlad waxaa ehel ah kuwa difaaca heshiiska bulshada, xorriyada iyo sharafka qofka, ilaaliya cadaaladda, gaar ahaan xuquuqda inta tabardaran.

2. Midowga Musharrixiinta waxay ku guuldarreysteen in hal qof u hadlo oo jeediya khudbad kooban oo ka maran hadallada aan munaasabadooda la joogin una muuqday guulwadannimo. Waxaa isweydiin mudan sababta RW hore Xassan Cali Kheire iyo Ex Guddoomiye Sharif Xassan uga baaqsadeen ka qaybgalka wada hadallada heshiiska Habargidir iyo Abgaal horboodayeen.

3. Khudbadda ugu rooneyd waxaa jeediyay Ex Wasiir Xildhibaan Mustafe Dhuxulow oo Musharrixiinta ka difaacay eedda ah inay yihiin qaswadayaal, nabad diid ah. Madaxweyne Sheikh Sharif wuxuu ku dadaalay inuu af gobaadsado oo ku nuxnuuxsado ilaalinta sharciga.

4. Khudbadada qaarkood waxay ahaayeen kuwa mucaaraadka looga hanjabayo inaysan ku dhaqaaqin bannaanbax aysan dowladda federaalka, wasiirka amniga, iyo gobolka Benadir oggolaan. Waxaa kaloo jira khubado hadallo haruuf ah loogu hoos dusinayay Puntland iyo Jubbaland walow aan magac ahaan la tilmaamin.

Heshiiskaan wuxuu niyad jab iyo qoomamo ku ridaya dhammaan difaacayaasha dastuurka, nidaamka dimoqradiga, xaqa mucaaradka, nabadda iyo xasillonida iyo horumarka Soomaaliya, iyo taagerayaasha Midowga Musharrixiinta. Tallaabada soo socota waxay noqon kartaa weerar Ex Madaxweyne Farmajo ku qaado Puntland iyo Jubbaland iyo bilowga doorasho aan loo dhammeyn ee lagu qaban doono DG Galmudug, Koofur Galbed, Hirshabelle, iyo Gobolka Benadir.

Dr. Maxamud M Culusow