Dadka Shirarka nooga qeyb galayo Ajanda la’aanta, ha laga fikiro=Nasashada Jimcaha. Q- 241=

1. Agaasime ka tirsanaa Dowlada hoose ayaa shir looga hadlayay horuumarinta Caasimadaha Afrika uga qeyb galay Nairobi.
Markii uu ku soo noqday Xamar ayaa la weeydiiyay Shirkii maxaa looga hadalay. waxa uu yiri: Ma Anigaaba la socday intii Shirku socday waxaan ka fikirayay Sida Miiska weyn ee Qolka dhax yiil Halkaa loo soo galiay, Sankuna waa ii xirnaa oo Covid 19 ayaan ka baqayay (F.S: 1& 2aad).
( Dadka Shirarka nooga qeyb galayo Ajanda la’aanta, ha laga fikiro ).
2. Nin ayaa soo galay Fiidkii, Makhaayad ku taal Xeebta Liido, waxa uu arkay in kuraasta oo dhan ey buuxdo oo Laba labo ey u fadhiyaan Rag iyo Dumar, kursi uu ku fadhiistana waa waayay.
Dhinac ayaa u baxay isaga oo Telefonkiisii ku hadalayo ayuu Cod dheer ku yiri: Saaxiiboow, Saaxiboow, war soo gal gudaha, walaahi Xaaskaagii halkaan ayeey Nin Qurba joog ah la fadhidaa. ka dibna maxaa dhacay?, 10 Haween ah ayaa la waayay goor ey bexeen iyo halkii ey ka bexeen. ( F.S: 3aad).
Nin Bajaaj watay, ayaa wadada meel uu ka maro waayay kadib markii Musharixiin Banaan baxayay ay wadadii soo mareen. Saaxiibkii oo Bar kontrol joogo ayuu ku yiri: war xabbado kor u rid. kadib maxaa dhacay?.
(Lix Musharax ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen).
3. Nin muqayil ahaa, ayaa Naag Baaska la saarneyd waxa ey ku tiri: Mar kasta oo aad dhoola cadeyso waxaan ku Fikiraa in aan kugu casuumo Goobteyda shaqada.
waxa uu ku yiri: Dee, Xaas miyaa tahay mise free? waxa uu ku tiri: Maya ee waxaan ahay “Dentists” dhakhtarka ilkaha. ( F.S: 4aad).
( Nin wasiir ah ayaa mar kasta oo uu khudbeeynayo Haweenku u alalashaan iyaga oo leh: Sax weeyaan, sax weeyaan. Haweeney ayaa ku tiri: Mar kasta oo aad khudbeeynee Xasuus ayaan la farxaa. waxa uu yiri: Murtideyda iyo Sida aan u diidanahay Qaran dumiska iyo Mucaaradka miyaad ka heshay ?. waxa ey tiri: Maya ee waxaan soo xasuustaa Dameer naga Dhintay oo Duqeygu ku shaqeysan jiray oo aan ilmaha ku soo korsanay, meelaha aad ka mideysan tihiin).
4. Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa wuxuu maqlay Shiikhii Magaalada oo Salaada Jimco kadib leh: Cudurka Covid -19 dartiis, Dowlada Sucuudigu Xajkii waa joojisay, Cimradiina shaki ayey galisay.
Ninkii ayaa yiri: Sheekhoow, khayr Alla ha kuu sheegee, Soonkiina khabarkiisa Nasii…….Dib miyaa loo dhigay?.
( Sarkaal la hadlayay Ciidamadiisa ayaa yiri: wareegto ka soo baxday Taliska ayaa fasaxeyso in dibadbaxayasha la kala eryo, Islaamaha Beebe lagu bursado, Xoogsatana la xabadeeyo, dhalinyaradana dhagta dhiiga loo daro, Siyaasiyiintana lagu seeyriyo, wax Dambi ah oo leydinku soo oogayona ma jiraan, Dastuurkii iyo Sharcigiina waa la lalay.
Asgari ayaa yiri: Taliye, Wareegtada Qoraalkeeda noogu dar in aan Aakhirana naloo qabsaneyn wax dambi ah, Koobi aan Aakhiro ku doodnana Jeebka noogu rid).
5. Nin ayaa lagu xakumay 30 Sanno oo Xabsi ah. Xaaskiisii ayaa ku soo booqatay Xabsiga iyada oo ooynee ayey isku duubtay oo ku tiri: Ninkeygiyow, 30 Sanno waa badan tahay. Waxa uu ku yiri: Xaaskeygiiyey maxaad Damacdan tahay?. waxa ey ku tiri: Ninkii Haayay Galkaaga Dacwada ee Abiilka ah ayaan is aragnay, waxa uu shuruud iiga dhigay, 30 kaa sanno bedelkeeda in Halkii mar ee uu i naageysto uu kaa cafinayo hal Sanno.
Ninkeedii ayaa yiri: Bal wasakhaa fiiri waxa uu shuruud kaaga dhigayo.
Waxay tiri: wax kasta jaceylkaaga waan u sameynayaa, Bal hadda Xabsiga ka soo bax arrintaa waa la xaliyaye. waxa uu yiri: Yaah.. waa leey daaray aa !!! 30 mar aa!!!. Maya, Maya.( F.S: 5aad).
( Siyaasi u doodayay Sharfkiisa iyo tan Dadkiisa oo Baahi iyo Bahdil la isagu daray, ayaa 40 Sanno lagu xakumay. Siyaasigii lagu bedelay ayaa Xabsiga ugu tagay kuna yiri: Si Dadkeenu u xoroobaan waxaa shuruud laga dhigay: in Baahida ey ka baxayaan, Aniguna aan Dollar helayo halkii mar ee aan ogoleysiiyo Dulinimo in Adigana lagaa dhimayo hal sanno. Maxbuuskii ayaa yiri: Maxaad sameeysay?. waxa uu yiri: Hadda soo bax.
Maxbuuskii ayaa yiri: intii Nafteeyda iyo Mustaqbalka Carurteyda aan Duleyn lahaa, aan Fikirkeyga Gobanimada ah ku dhinto).
6. Nin Carab ah ayaa waxa uu saaxiib la ahaa 3 gabdhood si uu mid uga guursado ayuu mid kasta waxa uu hadiyad ahaan u siiyay 10.000 Dollar. Mid waxa ey u soo iibisay Baabuur aad u qurxan, midna Dhar qaaliya oo uu ku Labisto, Midna Lacagtii ayeey ku ganacsatay kadibna Lacagtiisii ayeey u soo celisay.
midda uu Guursaday ma taqaan?. wuxuu waa Carabe, tii ugu daba kuusneed ayaa xalay lagu mehriyay.
( Nin Tolka Ugaas u ahaa ayaa Tolka u soo xulay 3 Xildhibaan. Markii la gaaray Doorashadii Madaxweynaha ayuu ku yiri: waxaan idiin soo Xulay in aad kor u qaadiin Sharafka Tolka, Sannadkaan Nin Tolka ah ayaa u sharaxan Madaxweynenimo, waxaan Rabaa in aad u Codeysiin. Qofkey u cadeeyaan ma taqaan?. wuxu waa Xildhibaanee……. Musharixii u Dollarka badnaa).
Qore: Yahya Amir