Warbixin ku saabsan dilkiisii Jamaal Khaashuqji oo uu Mareykanka daabacayo.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qorshaynayo inuu “goor dhaw” la hadlo Boqor Salmaanka Sucuudi Carabiya.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli maamulka Mareykanka uu isu diyaarinayo inuu daacabo warbixin ku saabsan dilkii weriyihii u dhashay waddanka Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji.

Mr Khaashuqji ayaa 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhexdilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Warbixinta ayaa si wayn loo sugayaa in dilka ninkaasi ay ku xiriiriso hogaamiyaha ruuxiga ah ee Sucuudi Carabiya, Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Mr Biden ayaa sheegay inuu doonayo inuu “dib u qiimeeyo” xiriirka uu dalkiisa la leeyahay Sucuudi Carabiya, isagoo tilmaamay in Mareykanku uu doorbidayo inuu si toos ah ula tacaamulo Boqorka da’da ah ee Salmaan.

Hasayeeshee weriye ka tirsan BBCda ayaa waxa uu sheegayaa in Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed ay aad ula dhacsan yihiin da’yarta Sucuudiga inta badanna uu gacanta ku hayo boqortooyada.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya, Donald Trump ayaa horay loogu eedeynayay inuu dhagaha ka fureystay xad-gudubyo bani’aadannimo oo lala xiriiriyay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, balse waxaa su’aalo la iska weydiinayaa waxa uu noqon karo mowqifka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden.