Wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay xalka saxda ah ee is mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya.

UNITED NATIONS – Ku-xigeenka wakiilka joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ugu baaqey dhammaan dhinacyada Soomaaliya in ay xal sax ah u helaan ismari waaga siyaasadeed.

Dai Bing ayaa u sheegay Golaha Amniga in shiinaha uu ka walaacsan yahay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada Soomaaliya in ay is xakameeyaan, ilaaliyaan wada hadalka, muujiyaan dabacsanaan iyo in ay xal sax ah u helaan ismari waaga siyaasadeed. ku saabsan Soomaaliya.

Ergeygu wuxuu muujiyey rajada laga qabo in doorasho la qabto si dhakhso leh si loo soo celiyo xasilloonidii siyaasadeed ee Soomaaliya iyo “in la abuuro jawi wanaagsan” oo diiradda lagu saarayo dhismaha qaranka.

“Shiinuhu wuxuu soo dhaweynayaa dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan buuxinta shuruudaha dhibcaha si loo gaaro cafinta deymaha lagu leeyahay dalalka saboolka ah ee deynta badan lagu leeyahay, waxayna rajeyneysaa in bulshada caalamku ay siiso jawi ka dabacsan horumarinta Soomaaliya.

“Waxaan u baahanahay inaan ka caawinno Soomaaliya sidii ay ula tacaali lahayd dhibaatooyinka bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed,” ayuu yiri Dai, isagoo intaa ku daray in saameynta guud ee COVID-19, daadadka, iyo cayayaanka Ayaxa ay uga sii dareen xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Marka laga hadlayo xaaladda amniga ee Soomaaliya, Dai wuxuu sheegay in Shiinaha uu ka taageerayo dhinacyada xoojinta xiriirka ka dhexeeya cusbooneysiinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo helo xal ay raalli ka wada yihiin.

“Shiinaha waxay sii wadi doontaa inay la shaqeyso beesha caalamka si ay ugu darsato waxqabad intii karaankeeda ah nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Dai oo intaas ku daray in Shiinaha ay mar walba ku howlan tahay caawinta Soomaaliya si ay u gaarto nabad iyo horumar.

“Waxaan dhawaan ugu deeqnay Soomaaliya qaybo badan oo sahay ah si aan uga taageerno dalka xoojinta tayaynta garsoorka,” ayuu ku daray ergaygu.

Ergeyga ayaa ballan qaaday in Shiinaha sidoo kale uu siin doono gargaarka tallaalka COVID-19 Soomaaliya markii la codsado.