Soomaaliya: Warbixinta Covid-19 ee 48-kii Saac ee la Soo Dhaafay.

MUQDISHO:-Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiwaan gelisay 303 xaaladood oo xanuunka Covid-19 ah 48-kii saac ee ina gudubtay.

Wasaaradda caafimaadka aya asheegtay in ay diiwaan gelisay 198 kiis iyo 105 kiis maalmihii Talaadada iyo Arbacada.

Wadarta xaalada xanuunka Covid-19 ee laga diiwaangeliyay Soomaaliya ayaa haatan gaareysa 6,549 xaaladood.

Sida ay ku warrantay wasaaradda xanuunka ayaa sababay geerida 10 ruux 48 -kii saac ee la soo dhaafay taas oo wadarta dadka u geeriyoooday ka dhigeysa 218 ruux.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay mamnuucday isu imaatinka bulshada.

Dhawaan ayaa la filayaa in Soomaaliya ay soo gaadhaan 1.2 milyan oo ah dhibcaha tallaalka AstraZeneca  sida ay ku warrantay Hay’adda Caafimaad Adduunka ee WHO.