Muxuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed si deg deg ah ugu laabtay magaalada Baydhabo?.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo u yimid Shirka wadatashiga doorashooyinka, kaas oo aan weli qabsoomin.

Dhanka kale madaxtooyada Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay in uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dib ugu laabto Baydhabo, iyada oo weli uu qabsoomin shirka wadatashiga doorashooyinka.