Puntland oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka doorashada

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka. Garowe ayaa shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka doorashada ee uu ku baaqay madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland ayaa sheegtay inay jiraan qoddobo muhiim u ah hiregelinta doorashada, waxaana ay intaa raaciyeen in laga mamaarmaan ay tahay in la sameyo qoddobadaas, si loo hirgeliyo heshiiska doorashada.

Qoraalkan oo lagu daabacay bogga Facebook ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu soo saaro wareegto xadideysa awoodaha fullinta ee madaxweynaha iyo tan sharci dejinta, meeshana laga saaraa dhamaan go’aamadii la saxiixay wixii ka dambeeyay sideedii Febraayo, xilligaas oo ay ku ekeyd muddo xileedka afarta sano ah ee madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kale oo uu maamulka madaxweyne Deni sheegay in xilka laga qaado taliyeyaasha ciidamada booliska, milateriga iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka, sidoo kalena la magacaabo saraakiil cusub, wadatashina laga yeesho magacaabiddooda, maadaama sida ay sheegeen ay ku lug lahaayeen falkii ka dhacay magaalada Muqdisho 19-kii bishan.

Puntland waxaa kale oo ay sheegtay in la dhiso guddi xaqiiq raadin ah oo baaritaan ku sameeya wixii ka dhacday magaalada Muqdisho 19-kii bishan Febraayo.

Beesha caalamka ayay sheegeen inay muhiim tahay inay qaadato door damaanad qaad ah, si loo hubiyo fullinta qoddobadii lagu heshiiyay.

Dhinacyada kale ee siyaasadda iyo ururada bulshada ayay Puntland shegtay in laga qeybgeliyo shirarka doorashada looga arrinsanayo, shirarkaas oo ay aqbaleen inay ka dhacaan magaalada Muqdisho balse waxay shuruud uga dhigeen in lagu qabto ” goob ammaan ah” oo ay sheegeen in amnigeeda ay sugaan ciidamo lagu wada kalsoonaan karo.

Maamulka Jubaland ayaa iyaguna shuruudo kuwan lamid ah horay ugu xiray ka qeybgalka shirka, balse waxaa u dheeraa madaxweynaha dowladda federaalka oo ay sheegeen in laga saaro arrimaha doorashooyinka oo uusan wax dor ah ku yeelanin hannaanka doorashooyinka.

Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Beesha caalamka

PSH

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan 18-kii bishan ayaa la filayay in dhinacyada ay ku kala saxiixan doonaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada.

Jibril Cali Aw Maxamed oo culuunta Afrika ka dhiga jaamacadda Ohio ayaa qaba in Beesha Caalamka ee ku lugta leh Soomaaliya aanay sidii hore ahayn.

“Doorashooyinkii hore waxaa gacanta kula jiri jiray beesha caalamka oo kaalin muuqata ku lahaan jirtay. Beesha caalamka hadda waxaa ku dhacay isbedal oo Igad, gaar ahaan Itoobiya dhibaato ayaa dhaxdeeda ka taagan. Maraykanka iyo Ingiriiskana dhibaatooyin u gaar ah ayaa soo maray oo bedalay hadafkooda. Marka beeshii caalamka ayaa kala aragti ah marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya,” ayuu yiri Jibril.

Aqoonyahankan ayaa rumaysan in faragelinta beesha caalamka ay lama huraan tahay.

“Inta badan beesha caalamka waxa ay aaminsan yihiin in arimaha Soomaaliya Soomaalida faraha looga qaado, oo ay go’aan ka gaaraan sida masiirkooda ay ka yeelayaan, halkii markii hore ay ahaan jirtay in wax loo yeeriyo Soomaaliya. Wey soo faragelin doontaan, balse saameyntii hore ma yeelan doonaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ilaa iyo hadda ma muuqato sansaan muujineysa in xitaa wadahadal laga yeelanayo khilaafka doorashada, maadaama Garowe iyo Kismayo ay ka qeybgalka shirka ku xireen shuruudo qaar laga yaabo in aysan u cuntamin dowladda federaalka.

Xigasho:BBCSomali