Ku: Reer Galmudug iyo…

Hordhac: Caalamku muxuu u yaqaan Musuqmaasuq ama Corruption (( Corruption is dishonest behavior by those in positions of power, such as managers or government officials. Corruption can include giving or accepting bribes or inappropriate gifts, double-dealing, under-the-table transactions, manipulating elections, diverting funds, laundering money, and defrauding investors)).
Galmudug maxey u heli weeyday Saamigii ey ku leheyd Mashaariicda Caalamka?.
Haddii Qof ku yiraa: Hebel waxaan ku aqaan in uu ku sifoobay “Corruption”.Adiguna aad ku tiraa waxaan kaaga baahanahay Deeq iyo Gacan qabasho ee iigu soo dhiib Qofkaa Corruptionka aad ku sheegtay, hana ii maamulo.
isla Qofkii Deeq bixiyuhu uu u yaqiin qof ku sifoobay Corruption, ma laga yaabaa in uu kuugu soo dhiibo Deeqdii aad ka codsatay, Weliba isaga oo og in aadan Adigu khiyaarkaa ku dooran ee laguu doortay Qofkaa.
Dunida waxaa jiro 5 Dowladood oo leh Codka “Veto ” waana kuwa bixiyo Deeqaha ugu badan Aduunka eyna ka tala qaataan kuwa kale ee Deeqaha bixiyo. Qoraaladii hore ee keydkooda ku jiro mar kasta dib ayaa loo fiiriyaa marka go’aan laga qaadanayo deeqaha.
Anigu, Caadiyan Qoraaladeeyda ma jecli in aan shakhsi ku soo magac qaato, Laakin waa tix raaci karaa Qoraal kale.
Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha ayaa Go’aan hore ka soo saarta Hogaamiyaheena Hadda ee Reer Galmudug, waana arrin khuseysa deegaankeena.
Fiiri: warbixinta Qaraarka Golaha Amaanka 2014 ee tirsigiisu yahay S-2013-413…. Bogga 219aad, paragraph-kiisa 10aad oo ey ku qoran tahay Md.Qoor qoor in uu yahay man of Corruption. ((( Report of the security council ,S-2013-413…page 219,paragraph 10. Qor qor as man of corruption ))).
Marka haddii aan nahay Dadka deegaanka Galmudug, ma ka gardaranahay Beesha Caalamku haddii ay noo diido Saami buuxo in aan ku yeelano Deeqaha Caalamka?.
FG: Maamul Gobaleedyada kalena ha ka fiirsadeen Masuul Farra hore laga hayo. Ha u qaadan Cid gaar ah in aan ku godayo ee waxaan ka walwalsanahay xiriirka Caalamka iyo Deegaankeyga. Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir