Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo fashiliyay Qarax lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka.

Muqdisho:-War dhowaan kasoo baxay Ciidan Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen qarax is-miidaamin ahaa oo la doonayay in lagu wax yeelleeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

“Abaarihii 11:25 AM, ayey Ciidanka Boliisku degmada Xamarweyne heleen xog ku saabsan Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonaya inuu ku halligo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa eryaday, ka dibna Jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin”.

Taliska ayaa sheegay in wixii faah-faahin ah eek u saabsan dhacdadaasi ay la wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.