Dowladda Kenya oo Qareenno Cusub u Magacawday Muranka Badda ee Kala Dhexeeya Soomaaliya.

NAIROBI:-Kenya ayaa qareenno cusub u magacawday difaaca dacwada badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya.

Xubnaha ay Kenya u qareematay arrintan ayaa ka kooban siddeed xubnood oo uu hoggaamin doono prof. Sean Murphy oo ka tirsan kulliyadda sharciga ee George Washington iyo Tullion Treves oo ah garsoore hore uga tirsanaa maxkamadda caalamiga ah gaar ahaan qeybta sharciyada badaha horayna uga qeyb qaatay kiis kan la mid ah oo u dhexeeyay Peru iyo Chille.

Siddeeddan qareen ayaa beddeli doona siddeed horay kiiskan u wadday.

Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo soo jiitamayay iyada oo fadhiyada dacwad dhageysiga labada dhinac uu dhowr mar baaqday cudur daar Kenya ka yimid awgii.

15-ka bisha March ee soo socota ayaa loo ballansanyahay in uu dhaco mid ka mid fadhiyada maxkamadda ay ku dhagaysanayso dacadda ay qabaan labada dhinac.