Shirkadaha Duullimaadyada Caalamiga ah Qaarkood oo Hakiyay imaanshahooda Muqdisho.

MUQDISHO:-Shirkadaha duullimaadyada Turkiga, Itoobiya iyo Yugaandha ayaa joojiyay duullimaadyadii ay ku iman jireen magaalada Muqdisho.

Shirkadaha ayaa sheegay in ay joojiyeen socdaalladii ay ku iman jireen Muqdisho ilaa amar dambe.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in shirkadaha duullimaadyada Turkiga, Yugaandha iyo Itoobiya ay dowladda Soomaaliya ku wargeliyeen in dayuuradahooda aanay ka dagi doonin Muqdisho laga bilaabo Sabtida maanta ah eek u beegan 20-ka bishan.

Shirkaduhu ma aanay sheegin xilli ay dib u bilaabi doonaan howlahooda iyo duullimaadyadooda Soomaaliya.

Shirkaduhu wax faahfaahin ah kama aysan bixinin sababta howlahooda hor istaagay hase yeeshee waxaa la tuhunsanyahay in tallaabadaas ay ka dambeysay rabshadihii magaalada ka dhacay Muqdisho.