Maamulka Hirshabeelle Oo Shaacisay Dad Ajaanib Ah Oo Laga Helay Cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 ee deegaanada Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu maalmihii lasoo dhaafay ku faafay Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, isla markaana ay diiwaan-geliyeen kiisas dhowr ah.

Muxudiin Mukhtaar ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe bishaan laga diiwaan-geliyay 9 qof oo qaba Cudurka, kadib markii lagu ogaaday baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay, ayna dadkaas ku jiraan qaar kamid dhaqaatiir Caafimaad.

Waxaa uu intaas kusii daraya Wasiir dowladaha in Baladweyne dad ku sugan oo gaaray 100 qof laga baaray Cudurka, isla markaana 28 kamid ah dadkaas laga helay oo ku jiraan laba ruux oo Ajaanib ah kana yimid dalka Koonfur Afrika.

Dadka laga helay Cudurka ayuu tilmaamay in la geeyay Xarum gaar ah oo loogu tala-galay lagu karantiilo, isagoona xusay in Wasaaradda Caafimaadka maalmihii dambe aysan Hirshabeelle kusoo daran deegaanada laga diiwaan-geliyay kiisaska Cudurka.

Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa kusoo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka dowladda si maalinle ah u shaacisaa dad badan oo laga helayn Cudurka iyo kuwo u dhintay intaba.