Maamulka Gobolka Banaadir oo Agab Caafimaad ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka+Sawirro

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta ku wareejiyay Agab Caafimaad Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, si wax loogu qabto dadka la xanuunsanaya Caabuqa Coved19 ee ku jira Cusbataalka Martiini.

Agabkan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee lagula tacaalo Cudurka Covid 19 ayaa waxaa ka mahad celisay Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur iyadoo aad usoo dhoweysay tallaabadan ay qaadeen maamulka Gobolka Banaadir.