Imaaraatka Carabta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu yeertay Dowladda KMG ah.

Dawladda isutaga Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee habeen ka hor & shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

http://i.imgur.com/OXd4DCk.jpg

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa waxa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladaha kajira magaalada kadib markii rabshado ay dhaceen taas oo ku timid awood loo adeegsaday dadka Shacabka ah.

Imaaraadka carabta ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu ugu yeeray dowladda KMG ah, iyada oo Maanta Warbaahinta Caalamka ay aad u hadal hayaan.

Imaaraadka carabta ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka uu khilafka diblumaasiyadeed kala dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xilliyada doorashooyinka ay faragelin ku sameysaa arrimaha gudaha, iyada oo dhaqalo ku bixisa msusharixiin ay wadato.