IGAD oo Cambaaraysay Shaqaaqadii ka dhalatay Banaanbixii ka dhacay Muqdisho.

Urur goboleedka IGAD ayaa Cambaareeyay Shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo xasaradaha Siyaasadeed ee soo kordhaya, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin rabshadihii ka dhacay magaalada muqdisho, isla markaana ay cambaareeynayaan.

Dalalka IGAD ayaa waxay sheegeen iney sii wadi doonaan sidii dhinacyada siyaasadeed iyo saamileyda ay uga wada hadli lahaayeen xaalada ka taagan ee dalka.

Warkaan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli aan weli heshiis laga gaarin Arrimaha doorashooyinka dalka, taasi oo sababtay in uu gacan ka hadal dhex-maro Ciidamo kala taabacsan musharixiinta mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.