Qaramada Midoobay: Aad ayaan uga walaacsannahay iska horimaadyada hubeysan.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna baaqday mar kale in si deg deg ah loo dhameystiraa heshiiskii doorashada.

“Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimce ah, waxayna ku baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha”, ayaa lagu yiri qoraal la soo dhiggay bartaha xafiiska Qaramada Midoobay e Soomaaliya uu ku leeyahay Twitter-ka