Deg Deg: Burcad Koonfur Afrikaan ah oo Muwaadiniin Soomaali ah midna dilay midna dhaawacay.

Maxamed Amiin oo ku magac dheeraa (Big Show), ayaa ALLAHA u Naxariistee lagu dilay Xaafadda Phillipi ee Magaalada Cape Town, halka Ceyduruus oo la socdayna la dhaawacay, sida ay ii xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan halka uu falku ka dhacay.

Falkan, ayaa dhacay xilli Wiilashan doonayeen inay Cabitaan ka gataan Dukaan uu Ethiopian leeyahay oo sida aad Koobaabinta Sawirka ku arki kartaanba ay ka soo iibsadeen 1.5 Coca-Cola, balse aysan calfan, waxaana islamarkiiba Laba nin oo Hubaysan ay Toogashada ku bilaabeen Dhallinyarada xilli uu Cayduruus oo ah yarka dhaawacan uu Strew kaliya uu doonayey inuu ka soo qabsado Dukaanka.

Askarta Booliska, ayaa isku gadaamay agagaarka dilku ka dhacay, balse ma aysan u suurtagalin inay Burcadda qabtaan.

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu gaysto Dalkani Koonfur Afrika, ayaa soo Laba-kacleeyay sanadkan 2021, iyadoo 24-saac kahor sidoo kale Maxamed Dheere oo caan ka ahaa Magaalada Durban loogu dilay Tuulada Umlazi ee Gobalka KwaZulu-Natal.

WD: Abdulrazak IndhaJaceyl