Cabdikariim Guuleed: Lama tartameyno Farmaajo, isagana ma tartami karo

Cabdikariim Guuleed, xubin ka tirsan Midowga Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka gudbay “xayndaabka dowladnimada oo ku dhisan dastuur iyo xitriaanm” markii ciidammo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal isugu so baxay agagaarka KM4.

Guuleed iyo qaar ka mid ah midowga musharraxiinta oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel jJasiira ka dib rasaastii maanta la is weydaarsaday ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanan ” lala tartami doonin Farmaajo, isagana uusan tartami doonin”.

Madaxda maamul goboleedyada ayuu ugu baaqay inaysan la shirin Farmaajo.

Halkan hoose ka dhageyso hadal-jeedinta Cabdikariim Guuleed.

Dowladda wali kama hadlin rabshadaha maanta dhacay