Adiga Xildhibaankiinu ma Deegaan Doorashadii Tolka ayuu qurxiyay mise Gurigiisa iyo Xaaskiisa oo kaliya ?=Nasashada Jimcaha.Q- 240=

1. Madiido waa Sixir, Gabdhaha lagu akhriyo si ey u noqdaan, kuwo la jecleeysiiyo Qof aan eheyn Qofkii ey jeclaan leheyd, lana nacsiiyo wixii Waalidkood iyo Qaraabadadu ey la jeclaan lahaayeen.
Hadda waxaan aragnay Dad lagu akhriyay Madiido Siyaasadeed si loogula kaco kufsi Siyaasadeed iyo mid Dadnimo xumo, lagana horkeeno Waalidkood iyo walaalahood. kadibna…….wadda ku qulqul. ( F.S: 1aad).
( Qolo kasto oo Somali ah, Siyaasi madiideysan oo qaraaba gooy ah waa qabaan, Adinku ma qabtiin? ).
2. Nin ayaa Xaaskiisa mar kasta Garaaci jiray isaga oo ku qeeylinayo “Uxibuka- Uxibuka” Deriskii ayey isku qaban weyday in Ninkaan mar kasta Xaaskiisa Garaacayo haddana ku qeylinayo kalmada Carabiga ah ee UXibuka oo macnaheedu yahay “waan ku jecelahay”. Nin Adeerkiis ah oo Miyiga ka yimid oo Xaafadda yimid ayaa loo sheegay arrintii. waxa uuna yiri: Wiilkan aan Adeerka uu ahay Af Carabi ma yaqaane, ee Amuu Uxibuka macna kale u yaqaan ? Wiilkii ayaa lagu yiri: Uxibuka macnaheedu maxaa waaye?. waxa uu yiri: soow Af carabi ma ahan, waan garanayaa, in Uxibuka ey la macna tahay “waan ku nacay. waa la fahmay is faham la’aantu inay tahay Luqada.( F.S: 2aad).
( Haddii Siyaasi Somali ah, waxa uu sameynayo iyo waxa uu sheegayo ey isku kaa qaaban waayaan oo uu ku yiraa: waan “Tanasulay” iska hubi in uu Af Carabiga yaqaan, waxaa dhici karto in waan Tanasulay uu ula jeedo ” waan diiday- Rafaltu”. Isfaham la’aantuna ey tahay Luqadda).
3. Qurba Joogtii waxa ey Qurbaha uga soo carareen Covid 19. Dalkiina waxa ey ugu yimideen Covid +19. Qorax joogriina waxa ey ka qaxayaan Xaafadihii Markii Mucaaradkii is muujin bilaabeen.( F.S: 3aad).
( Xaas aan Minyaro leheeyn iyo Dowlad aan Mucaarad leheyn, Labaduba kali talis ayeey noqdaan)
4. Nin ayaa Nabadoonkiisii ku yiri: waxaan rabaa in aan Xildhibaan noqdo Sannadkaan. Maantana waxaan tagay Guriga Xildhibaankii hore ee Beesha, waxaan la yaabay sida uu u Qurxan yahay Guriga xildhibaanku iyo Xaaskiisu sida ey u nuuree. Odaygii ayaa ku yiri: waa sida aan ugu khasaarnay Xildhibaankii hore oo intii uu Deegaan Doorashadiisii qurxin lahaa, Quruxsaday Gurigiisa iyo xaaskiisa oo kaliya, Adigana sidaa oo kale ayaa iiga kaa muuqato ee Gurigaaga dayac tiro Xaaskaagana shopping u sameey kugu sirimi meeynee.
( Adiga Xildhibaankiinu ma Deegaan Doorashadii Tolka ayuu qurxiyay mise Gurigiisa iyo Xaaskiisa oo kaliya ?).
5. Nin Xakiim ah ayaa Maalin Xaaskiisu waxa ay ku tiri “Ma arag Reerkiina Dad ka xun, Waxay inoo yimaadiin marka aan hanti haysano, markaan sabool noqono nooma yimaadaan.!
Waxa uu ku yiri: “Taasi waa Akhlaaqda wanaagsan, waxay inoo yimaadiin markii aan caawin karno, weyna naga maqnaadaan markii aanan Caawin karin.
( Horta walaalaheen Qurba joogta iyo WFP goormeey noo yimaadiin ? )
6.Gabdhaha yar yari waa sida Cambaha oo kale. Cambaha yar yar Adiga oo is leh, sug intii uu kaaga bislaado ee ka hor ha cuniin, ayaad arkee Cambihii oo ceyriin ah mid kale uu Cusbo ku cunayo.( F.S: 4 & 5aad).
( Ar Hadda Dhalin yarooy, waxaa yimid Odayaal aan Ilka leheeyn oo Rabo in ey Cambaha Cusbo ku cunaan, Gabdhaha yar yarna…Kaniiniga Vegra Islaamo wax gaad gaadayana waa la sheegayay kuwaa oo wato kaniiniga loo yaqaan Habra toosiye )
Qore: Yahya Amir