Ra’iisul-wasaare Rooble oo ganacsatada kala hadlay inaysan shacabka ku qaaliyin Maciishada.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda & waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada xilligan dalku wajahayo laba kacleynta COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Wasiirka Maalyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay gacansatada Soomaaliyeed u sameyn doonto canshuur dhaafka badeecooyinka daruuriga ah, isaggoo ku ammaanay doorkii ay ka qaateen dib u dhiska Qaranka & horumarinta dakhliga dalka.