Soomaalida la nool HIV/AIDS maxay u qarasaan ilaa heer dhimasho?

Waxaa soo noqnoqda cabashada ay dadka Soomaalida ah ee la nool xanuunka HIV/AIDS ka muujiyaan faquuq ay kala kulmaan bulshada inteeda kale.

Arrintaas waxay horseedday in dad badan oo cudurka qada ay go’aansadaan in aysan sheegin xaaladdooda, iyagoo sidaasna ku waaya daryeelkii caafimaad ee ay heli lahaayeen haddii ay iska warramaan.

Axmed Cabdullaahi Heybe, oo ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, wuxuu BBC-da u sheegay in HIV-AIDS la nool yahay muddo 14 sano ah. Wuxuu sameeyaa olole uu dadka xanuunka qaba ugu wacyi galiyo in ay bannaanka isagoo dhigaan. Laakiin wuxuu caqabad weyn kala kulma in dadka bukaannada ah ay wacyigalintiisa qaataan, iyagoo taas ka door bida “in ay dhintaan iyagoo is qarinaya”.

Arrintaas ayuu u sababeeyay faquuq uu sheegay in bulshada ay ku sameeyaan dadka la xanuunsan cudurkaas.

“Takoorka aan la kulanno waxaa sabab u ah dadka oo aan wacyi galin la siinin. Aniga unbaa sanadkiiba mar istaaga oo dadka la hadla, laakiin kuwa cudurka la nool waxay igu dhahaan ‘adigaa TV-ga iska muujiyay waxbana waa laguu qaban waayay ilaa hadda, sidaas darteed annagu isma sheegeyno’, waxay ka baqayaan takoor maadaama aysan dowladduna adeegyo gaar ah u sameynin bukaannada HIV-AIDS qaba,” ayuu yidhi Axmed.

Ninkan ayaa BBC-da u sheegay in uu ilaa 300 oo Soomaalida xanuunka la nool ah ka dhaadhiciyay in ay is sheegaan oo daawo loo billaabo.

Axmed ayaa sheegay in cudurka loo arko ceeb, cabsina laga qabo laakiin “haddii qofka uu daawo qaato uu la noolaan karo carruur caafimaad qabtana dhali karo”.

BBCSomali