Mbappe Oo Saddexley Isku Baray Barcelona iyo xasuuq xalay loo gaystay Barca.

Kooxda PSG ayaa u awood sheegatay kooxda Barcelona kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kulanka oo ahaa mid si weyn loo sugayay ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo ayna labada kooxoodba kala xishoon koox walba dhankeeda u raadinaysay goolal ay ciyaarta wax kaga badasho.

Labada kooxood ayaa dhankooda isku dhiib-dhiibayay dhanka kubad haysashada iyada oo 10 daqiiqo oo walba koox ku fiicnayd kubad haysashada.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka ciyaarta shiday iyada oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1:0.

Kadib goolkaas kooxda PSG ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay kooxda PSG ku fiicnayd khadka dhexe ugana awood badnayd kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 32-aad ayay PSG dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:1 kooxdiisana dib ugu soo celiyay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ahayd mid cajiib ah labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed lagu raaxaystay.

Kooxda PSG ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si ka fiican kooxda Barcelona iyaga oo maamulayay ciyaarta waliba sidoo kale qaadayay weeraro rogaal celis ah oo uu hogaaminayo xiddiga Kylian Mbappe.

Daqiiqadii 65-aad ayay PSG dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay PSG ku hogaaminayso.

Kadib goolkaas kooxda PSG ayaa u muuqaday kuwo gabi ahaan niyad jabay waliba is dhiibay oo ay ka muuqatay niyad.

Kooxda PSG ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarada iyo dadaalka ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan si ay ciyaarta lugta horeba u dilaan.

Daqiiqadii 70-aad ayay PSG dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Moise Kean kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Kooxda PSG ayaa sii waday bandhigeeda quruxda badan xilli ay kooxda Barcelona kaliya doonayso in ay ciyaartu horay uga dhamaato.

PSG ayaa daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu saddexleydiisa dhamaystiray xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay PSG ku raaxaysanayso kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay PSG xasuuqday kooxda Barcelona waliba hal lug la sii gashay wareega 8 dhamaadka champions League.