Dagaal Al-Shabaab ka fuliyeen G/Mudug oo khasaare lixaad leh ka dhashay.

Bacaadweyn:-Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Jiiqdheere oo hoos taga deegaanka Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug.

Ugu yaraan 8-qof oo seddax tahay dad rayid ah ayaa ku geeriyootay dagaalka oo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo ciidanka militeriga oo is garabsanaya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaanka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Jiiqdheere ay uga dileen 5 xubnood uga dileen Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay isla xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen degaanka Bacaadweyn, balse lagama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Degaanka Bacaadwyen iyo degaano kale oo ku dhow ayaa waxaa horay dagaalo culus ay ku dhex-mareen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, dagaaladaas oo sababay khasaare nafeed, mid hantiyadeed iyo barakaca boqolaal qoys oo deegaanadaas ku nool.