Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee Caabuqa COVID-19.

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur oo warbixintii ugu Dambeysay ee Xaaladaha Caabuqa COVID-19 siisay Telefeeshinka Qaranka iyo Warbahinta Madaxa Banan ayaa cadaysay in warbixinta Xaaladaha COVID19 ee saxda ah in laga heli karo Baraha Wasaaradda Caafimaadka iyo Website-ka Wasaaradda caafiamadka ee WWW.moh.gov.so.

Wasiirka Caafimaadka ayaa la wadaagtay Bulshada in ay iska ilaaliyaan xogaha beenta ah ee dadka ay ku faafinayaan baraha internet-ka oo ay wixii xog ah heli doonaan maalin walba galbihii Insha Allah, iyaddoo beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha.