Dalalka Urur Goboleedka Sahel oo Ka Arrinsanaya Amnigooda.

ANJAMENA:-Waxaa caasimadda dalka Chad ee Anjamena ka billowday shir madaxeedkii todobaad ee dalalka shanta ah ee la magac baxay gobolka Sahel “G5 Sahel”.

Shirkan oo ku dhacay aaladda Internetka ee fogaan aragga ayay ka qeyb galeen madaxda Dalalka xubnaha ka ah gobolka Sahel ee kala ah Moritania, Burkin Faso, Mali, Chad iyo Nayjar waxaana sidoo kale ku wehilyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Sidoo kale madaxda ka qeybgalaysa shirkaas waxaa kamid ah madaxweynaha Ghana Nana Akufo Addo oo haatan ah madaxa ururka dhaqalaaha galabeedka Afrika iyo ra’iisul wasaaraha Morocco Sacda-diin al-Cuthmani.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa arrimo la xariira ammaanka dalalka ku bahoobay ururka xilli ay sii lixaadsanayaan weerarrada kooxaha argagixisadu ay ka fuliyaan gobollka oo uu ugu dambeeyay kii ka dhacay dalka Maali ee lagu dhaawacay 28 ka mid ah askarta nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalkaas ku sugan.

Kulanka hoggaamiyeyaasha gobolka Sahel ayaa yimi xilli dowladda Faransiisku doonayso in ay yareyso tirada ciidamadeeda ku sugan gobolka oo ay ku badanyihiin kooxaha hubaysan.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegay in ammaanka dalalka gobolku soo wanaagsanaanayo loona baahanyahay in dadaal wadajir ah laga hyeesho la dagaallanka argagixisada oo waqti badan qaadan doona.

Ururuka gobolka Sahel ayaa ayaa ah urur goboleed ay dalalka kor ku xusan dhidibbada u taageen 2014-kii kaas oo ka shaqeeyaa iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha dalalka ku bahoobay ururka.