Shirkii Magaalada Baydhabo oo si rasmi ah u furmay iyo Wararkii ugu Dambeeyay.

Guddi uu shalay magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kana shaqeyn doona qaban qaabada shirka ay madaxda Soomaaliya ka yeelan doonaan arimaha doorashada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.Wasiirka arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi iyo Wasiirka dastuurka dowladda federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan xubnaha guddiga ay joogaan Baydhabo, saacadaha soo socdana uu kulankooda furmi doono.

Ras’iisal wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu khadka Zoom-ka kula hadlo guddiga. Guddiga oo ka kooban 14 xubnood ayaa “u gogol xaaraya shirka golaha wadatashiga qaranka ay isugu imanayaan si loo dhamaystiro wadahadalada arimaha doorashada,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

 Shirkii madaxda Soomaaliya ay uga arinsanayeen arimaha doorashada ee horraantii bishan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.