Shirkad laga leeyahay UK oo ciidan xoogga dalka siinaysa tababar ku saabsan ka hortaga qaraxyada.

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay xoojinayso taageerada ay siiso Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si gaar ah tababarada iyo qalabaynta si ay awood ugu siiso militariga wax ka qabashada halista qaraxyada Al Shabaab ku dishay saraakiil, ciidamo iyo madax ka tirsan Dowladda Faderaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Sida ay ogaatay Mustaqbal Media Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa qandaraas siisay shirk laga leeyahay Ingiriiska oo lagu magacaabo ISSEE, oo ah shirkad ku takhasustay tababarka miino baarista iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, qalabaynta, iyo la talinta wasaaradaha Difaaca.

Heshiiska qandaraaska lagu siiyay sharkada ayaa daba socda booqashadii ugu dambeysay ee Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace uu ku yimid magaalada Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Maxamed Farmaajo isla markaana uu ku celiyey taageerada dalkiisu u fidinayo Ciidamada Amniga Soomaaliya.

“Ciidamada Qalabka sida ee Boqortooyada Ingiriisa(UK) waxa ay gacan ka geysanayaan sidii loo dhisi lahaa tayada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna hadda tababareen ku dhowaad 2,000 oo askari si ay ula dagaallamaan halista ay wadaagaan Al-Shabaab. Kaliya markaan si wadajir ah u wada shaqeyno ayaan aasaaska u dhigi karnaa xasilloonida muddada-dheer ee gobolka oo dhan ”ayuu yiri Wallace.

Boqortooyada Ingiriisa (UK) ayaa dhawaan ku dhawaaqday lacag cusub oo lagu taageerayo Soomaaliya oo ku kacaya . £21.8 million, oo ay ku jirto 1.6 million si looga hortago qatarta qaraxyada hareeraha waddooyinka iyo £ 3.37 million oo dheeraad ah oo loogu talagalay Ciidamada Amniga Soomaaliya ee ku jira howlgalada wadajirka ah ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. (AMISOM).

Al-Shabaab ayaa ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiisha amaanka la beegsata qaraxyo lagu aasay wadada dhiniceeda, waxaana u danbeeyay qarax miino lagu dilay taliyihii NISA ee Dhuusamareeb iyo ku dhawaad 15 askari oo la socotay, Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Taageeradan ayaa la filayaa in ay buuxiso qeyb ka mid ah boosaskii ay banaysay Dowladda Maraykanka ka dib markii ay gudaha Soomaaliya kala baxeen 700 oo askari oo tababar siinjiray ciidan Qaranka Soomaaliyeed.