Mareykanka, UK, Azerbaijan, Somalia & Bulgaria oo cambaareeyay Turki la dilay.

Wakaaladda Wararka u faafisa Turkiga ayaa shaacisay in Xukuumadda Ankara ay guddoontay dhambaal Tacsi & garab istaag ah oo uga yimid Mareykanka, Ingiriiska, Azerbaijan, Soomaaliya, Bulgaria & Dalal kale oo saaxiibo ay yihiin.

13-Muwaadin oo Turki ah ayaa lagu dilay Gobolka Dhaca Waqooyiga Ciraaq ee Gara, waxaana dilkaas dusha laga saaray Kooxda PKK oo liiska waxa loogu yeero Argagixisada ugu diiwaangashan Xukuumadda Ankara.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa Axaddii sheegay in la helay Maydadka Muwaadiniin Turki ah, waxaana uu dusha ka saaray in falkaas ay ka dambeyso Jabhadda PKK loosoo gaabiyo.

Howlgalka loogu magac daray Claw-Eagle ee dib u bilawday 2-kii febaraayo 2021 ayaa loogu talagalay in looga hortagayo waxa loogu yeeray Argagixisada Waqooyiga Ciraaq & xasilinta amniga Soohdinta Dalkaas.

Bishii June 2020 ayuu si rasmi ah u bilawday howlgalkaan oo xooggiisa lagu wajahayo Kooxda PKK, waxaana uu xooggeystay bilihii ugu dambeeyay ee isla sanadkaan, kadib markii dhowr jeer ay isku dhaceen ciidamada Dowladda & maleeshiyada Kooxdaan.

Mareykanka ayaa war kasoo baxay Wasaaradda Arrima dibadda lagu sheegay “Waan cambaareyneenaa, waaana garab taaganahay howlgalka NATO, warka nasoo gaaray ee ah in dad shacab ah dilkooda lagu eedeynayo PKK waa wax laga xumaado”.

Azerbaijan Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan uga tacsiyeeyay dadka turkida ah ee maydadkooda la helay, waxaana uu sheegay in falkaas uu yahay mid “Argagixiso”.

Boqortooyada Ingiriiska (UK) gaar ahaan Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ku tiri “Waxa aan aad ugu xun-nahay warka sheegaya in Askar & Shacab Turkiga ah lagu dilay Waqooyiga Ciraaq”.

Pakistan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa war ay soosaartay ku sheegay “In ay Cambaareyso 13-ka ruux ee Turkida ah ee lagu dilay Gobolka Gara”.

Soomaaliya, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in “Sida Turkiga oo kale Soomaaliya ula dagaalameyso Argagixiso sanado badan, isla markaana boqolaal & kumanaan kale ay dhibbanayaan u yihiin” sida uu hadalka u dhigay.

Isha: Anadulo Agency