maamulka Puntland oo ka hortagay weerar kaga yimid Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka hortageen weerar Al-Shabab ay doonayeen inay ku qaadaan saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland.

Saldhiga ayaa wuxuu ku yaal degaanka Galgala ee gobolka Bari, waxaana talsika ay sheegeen in howlgal ay fuliyeen ay ku qabteen Gaadiid iyo sahay ay lahaayeen Al-Shabaab.

“Ciidamada PSF, PMPF iyo ururka Dhiiranayaasha ee ciidamada Daraawiishta Puntland ee Galgala ayaa ku guulaystay in ay ka hortagaan weerar gaadmo ah oo ay Al Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee Galgala , waxayna ciidamadu soo qabteen sahay iyo gaadiidkii ay Al Shabaabku wateen kana ka carareen oo iskugu jiray dameero iyo awr aya lagu yiri” War kasoo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

Howlgalka ayaa Ciidamada PSF, PMPF iyo kuwa Daraawiishta Puntland waxaa ay ka fuliyeen degaanada Oobijaale,Dhagaxdhaabur iyo Madarshoon ee koonfurta Galgala.

Dhanka kale warkan ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntland xalay ay shaacisay in ay howlgal ay ka sameeyeenCiidamadooda degaano ka tirsan gobolka Bari in ay ku qabteen sarkal iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la socday.