Koonfur Afrika oo xuduudeeda furaysa halistii safmarka oon hoos u dhicin.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ay Isniinta dib u furi doono 20 goobood oo ku yaal xadka ay la leedahay dalalka jaarka ah oo bishii hore loo xidhay si looga hor tago fiditaanka fayraska korona.

Go’aanka waxa lagu gaadhay shirkii golaha wasiirada ee Sabtidii.

Koonfur Afrika waxa si xun ugu dhuftay laba kaclaynta safmarka korona oo loo aanaynayo fir cusub oo fayraska ah.

Tirada dadka uu ku dhacay cudurku ee dalkaasi xaqiijiyey ayaa haatan ah ku dhawaad hal milyan iyo badh iyo 47,000 iyo dheeraad qof oo u geeriyooday, sidaasna wuxuu dalkaasi ku yahay dalka Afrika ugu dhimashada badan.

Dunida guud ahaan tirada dadka fayrasku ku dhacay tan iyo bilowgii cudurkan dhamaadkii 2019 waxay haatan tahay 108 milyan oo qof, wadarta guud ee dhimashaduna waa laba milyan iyo saddex boqol oo kun, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanku.

Maxay tidhi xukuumadda Koonfur Afrika?

Sabtidii ayaa xukuumaddu shaacisay in xadka dalku la leeyahay wadamada Zimbabwe, Botswana, Mozambique, Namibia, Lesotho iyo Eswatini la furi doono.

“In dadka ka soo gudbaya xuduudda dalkeena si feejigan loo maareeyaa waxay qayb ka tahay qorshaha xakamaynta iyo yaraynta halista fiditaanka cudurka Covid-19” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha, Aaron Motsoaledi.

Laakiin wasiirku wuxuu digniin ku sheegay in dhamaan dadka doonaya in ay xadka ka tallaabaan ay sitaan caddayn muujinaysa in muddo gaaban ka hor laga baadhay cudurka oo aanay qabin.
Motsoaledi wuxuu sheegay in isaga qudhiisu tagi doono afarta goobood ee xadka ugu hawlaha badan, si uu indhihiisa ugu soo arko qaabka loo maaraynayo dadka socdaalka ah.

Koonfur Afrika waxay xidhay soohdimaha ay la leedahay wadamada jaarka ah 11 Jeeniweri markii la helay firka cusub ee fayraska korona.

Dhawr dal ayaa waagaa iyaguna xayiraad socdaalka ah ku soo rogay wadanka Koonfur Afrika.