Faah faahin ku saabsan Shirka uga furmaayo Guddiyada Farsamada magaalada Baydhabo.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay inay gaaraan Guddiga farsamada ka kala socda DFS, Dowlad Goboledyada & Gobolka Banaadir ee uu Magacaabay siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ee Maxamed Xuseen Rooble.

Guddiga oo ka kooban 14 Xubnood ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta berito ah uu shir uga furmo Magaalada Baydhabo, waxaana shirkaasi faah faahin ka bixiyay Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa xaqiijiyay in Maamulka Koonfur Galbeed uu martigelinayo shirkaas, kaas oo Maalinta berito ah ka furmaayo Magaalada Baydhabo.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in shirka looga hadli doono waxyaabihii keenay fashilkii ku yimid Shirkii Dhuusamareeb4 , isla markaana uu rajeynayo in Madaxda ay qaadan doonaan waxyaabihii kasoo baxa shirkaas.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in qodobada ay soo saaraan guddiyada farsamada ay u gudbin doonaan Madaxda dowlad Goboleedyada, si ay ugu sii gudbiyaan Madaxda dowladda heshiisna looga gaaro khilaafka doorashooyinka.