Dowladda Suudaan oo Ka Cabanaysa Ciidamo Itoobiya ay soo Dhoobtay Xadka Labada Dal.

KHARTOUM:-Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ka soo tallaabeen soohdinta ay wadaagaan labada dal.

Suudaan ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka tarjumayso fal colaadeed ka dhan ah deris wanaagga labada dowladood.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay cambaareynayso xadgudubka ciidamada Itoobiya ee ka dhanka ah ciidda Suudaan oo meel ka dhac ku ah madaxbannaanida Suudaan.

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiyaanka ah ay u bareereen in ay waxyeelleeyaan derisnimada iyo xasilloonida.

Dowladda Suudaan ayaa Itoobiya ka codsatay in ay si degdeg ah in u joojiso ku xadgudubka dhulka soohdiinta ah sidoo kalena in ay u hoggaansanto shuruucda la xariirta arrimaha soohdinta.

Itoobiya ayaanan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeeray Suudaan walow Itoobiya qudheedu ay Suudaan ku eedeysay kal hore in ciidamo ay ku soo daabushay xuduudda.

Isku dhacyo ayaa ciidamada labada waddan dhex maray sanadkii lasoo dhaafay, colaaddooduna waxay salka ku heysaa muranka lahaanshaha dhulka lagu magacaabo Al-Fashaqa, halkaasoo ay dagan yihiin beeraleey Itoobiya u dhashay balse Suudaan ay sheegeyso inuu yahay dhul ka tirsan dalkeeda.

Bishii lasoo dhaafay Suudaan waxay sheegtay in diyaarad laga leeyahay Itoobiya ay kusoo xad gudubtay, laakiin eedeyntaas Itoobiya way iska fogeysay.