Xasan Sheekh “Madaxweynaha mushkiladuu qeyb ka yahay, mar walba…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu muranka qeyb ka yahay, isla markaasna xalka uusan oggoleyn.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay qabteen musharixiinta mucaaradka ayaa sheegay in mushkilada dalka heysata ay tahay madaxda hadda xilka heysa ee talineysa.

“Madaxweynuhu mushkiladuu qeyb ka yahay, mar walba mas’uulka waxaa la rabaa in uu xalka qeyb ka noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo sii hadlaya ayuu baaq u diray beesha caalamka “Saxiibada Beesha caalamka waxaan kula dardaarmeynaa in ay xalka qeyb ka noqdaan oo qofkii aan xal soo wadin yiraahdaan xal sooma wadid, doorkooda ha qaataan”.