Xaaladda Nololeed ee Siyaasiyiinta U Xiran Dowladda Itoobiya oo Laga Deyrinayo.

ADDIS ABABA:-Waxaa sii kordheysa cabsida ku aaddan xaaladda caafimaad iyo midda nololeed ee ay wajahayaan maxaabiista siyaasadeed ee dalka Itoobiya oo dhawaan ka soomay cuntada.

Bekele Gerba iyo Jawar Mohammed ayaa ka mid ah ugu yaraan 20 siyaasiyiin ah oo ku jira xabsiyada Itoobiya kuwaas oo cuntada diiday tan iyo dabayaaqadii bishii hore ee January.

Raggan u xidhan xukuumadda dalkaas ayaa lagu soo eedeeyay in ay ku kaceen falal argagixiso iyo heysashada hub sharci darro ah oo sabab u noqotay rabshado ka dhacay dalkaas kaddib dilkii hobolkii Hachaalu Hundessa.

Siyaasiyiintan maxaabiista ah ayaa cuntada ka soomay iyaga oo arrintaa uga jawaabaya xadhig iyo cabudhin lagu sameeyay xubno ka tirsan qoysaskooda iyo taageerayaashooda.

Mid ka mid ah qareennada u doodaya maxaabiistan siyaasadeed ayaa sheegay in afar ka mid ah raggan ay xaaladdoodu culus tahay lana dhigay isbitaal haka qaarka kalena ay aad u liitaan oo ay suuragal tahay in ay geeriyoodaan.

Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore sheegay in ay maxaabiistaasi booqasho ugu tageen oo ay soo arkeen in ay cuntada ka soomanyihiin.

Kulan maxkamadda ku dhagaysan lahayd eedeymaha raggan ayaa todobaadkii hore la baajiyay kaddib markii eedeysanayaashu tabar darro awgeed ka soo qeybgeli waayeen fadhiga.