Saddex haween ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faah fahin dilkooda ku saabsan.

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay saaka ku dileen xaafadda Dayniile ee magaalada Muqdisho 3 dumara oo ku socday halkii ay subax kasta u shaqa tagi jireen, sida ay BBC-da u sheegeen dad dagan Dayniile.

Sedexda dumara ee la dilay ayaa ka shaqaynayay dhismaha wasaaradda gaashaandhiga halkaas oo ay ka qaban jireen hawsha nadaafadda.

Booliska ayaa sheegay inay bilaabaeen baaritaanka la xiriira ciddii ka dambeysay dilka sedexda gabdhood ee saaka la dilay.

Ma jirto Illaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka sedexda dumara ee saaka lagu dilay Muqdisho.