Maxkamadda ICJ oo Gaashaanka Ku Dhufatay Codsigii Kenya ee Dacwadda Badda.

THE HAGUE:-Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku cad qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021”, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

 Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Ujeeddada arrintan ay u codsadsatay Kenya ayay ku sheegtay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka ka soo baxay maxkmadda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleeed ayaa sheegay in Soomalaiya ay diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga oo qaab fogaan-arag ah lagu qaban doono. Maxkamaddu waxa ay shegetay in sidoo kale tiro xaddidan lo oggoalan doono in ay hoolka maxkamadda joogana inta u socdo dhageysiga, Kenya wali kama aysan hadlin go’aanka maxkamadda.