Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan oo Xabsiga loo taxaabay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan Hassabo Abdel-Rahman ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu hurinayay dad dibadbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday qiimaha rootiga dalkaas oo sare u kacay.

Waxaa sidoo kale la xiray xubno ka tirsanaan jiray dowladdii Cumar Al Bashiir.

Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii xabsiga loo taxaabay 300 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan waddanka Suudaan.

Waxaana xaalad deg deg ah looga dhawaaqay afar gobol oo ka tirsan Suudaan.

Suudaan waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado rootiga, shidaalka iyo koronta la’aan saameysay dalkaas xilli dowladda kumeel gaarka ah ay la daalaa dhaceyso wax ka qabashada dhaqaale xumida.