Deegaanada Galmudug oo looga dhawaaqay Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha cusub ee Qaybta 21-aad S/Guuto  Maxamed Cadoow Cali (Sanka)  oo ay Wehliyeen Wafdi Saraakiil ah ayaa kormeer ku maray dhamaan xarumaha Qeybta iyo fadhiyada Ciidmada, waxaana ay sidoo kale gaareen Magaalada Bacaadweyne oo ka mid ah jiidaha hore ee ay joogaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa Ciidamada & saraakiishooda kaga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan la dagaalanka  Al-Shabaab iyo sida ay naftooda ugu hureen shacabka Soomaaliyeed ee kunool Deegaanada Galmudug.

Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay shacabka ku nool Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, sida ay uga dhiidhiyeen weerarkii kaga yimid  Al-Shabaab, iyaga oo dagaal adag la galay.

Ugu dambeyn  Taliyaha cusub ee Qaybta 21-aad S/Guuto  Maxamed Cadoow Cali (Sanka)  waxaa uu sheegay in taliska Ciidamada qeybta 21aad ay bilaabi doonan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, kaa soo laga fulinayo dhamaan degaannada Galmudug.

Hadalka Taliyaha Cuusb ee qeybta 21aad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Bilihii la soo dhaafay degaannada Galmudug ay ka dhacayeen weeraro ay fulinayeen Ururka Al-Shabaab, iyaga oo dhowr jeer hoobiyeyaal ku weeraray Magaalada Dhuusamareeb.