Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay gaari ay argagixisada Al-Shabaab ku soo xireen Walxaha Qarxa.

Muqdisho:- Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabad-diidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariyay walxaha qaraxa ayaa laga fuliyay tuulada Cad-cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose

Gaarigan ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa ayay argagixisada Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabeelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah,islamarkaana laga helay walxo ka kooban aaladaha Qarxa.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab, waxa ay sheegeen in howlgalka ay ku soo qabteen gaariga qaraxyada lagu diyaariyay ay ku dhaqaaqeen ka dib macluumaad ay heleen.