Yemen: 2 Million oo Caruur ah oo Gaajo u Dhimanaya.

In ka badan laba milyan oo carruur ah oo u dhashay dalka Yemen ayaa qarka u saaran in ay macaluul u dhintaan sanadkan 2021ka.

Warkan ayaa waxaa Jimcihii shalay shaaca ka qaaday hay’addaha Qaramada midoobay u qaabilsan Gargaarka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu isbedel ku yimid siyaasadda dowladda Maraykanka ee ku aaddan dagaalka Yemen.