Wasiirka Caddaalada Soomaaliya oo shir la qaadatay deeq bixiyeyaasha taageera Arrimaha caddaalada.

Muqdisho:- Waxaa maalinnimadii Jimcaha, 12ka bisha Febraayo 2020 qabsoomay shir  fogaan arag ah, kaas oo heerkiisu sarreeyo, waxaana  shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.

Shirka waxaa lagu falanqeeyey  barnaamijyada cadaaladda iyo asluubta, iyadoo aad looga hadlay horumarrada laga sameeyey xabsiyada Kismaayo iyo Maxkamadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa ka hadlay howlaha sanadkaan hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda ayna kamid tahay qorshaha istraajiyadeed ee shanta sano ee hey’adaha cadaaladda yeelanaayaan.

Ugu danbeyntii waxaa lagu ansaxiyey howl-qorsheedka 2021. Shirka waxaa ka soo qeyb galay deeq bixiyeyaasha taageera bahda cadaaladda sida EU, Netherlands, Sweden, Hey’adda IDLO, iyo dhammaan qeybaha hey’adaha Qaramada Midoobay.