Israsaaseyn Xalay ka dhacday Degmada Kaaraan oo sababtay khasaare dhimasho iyo Dhawaac.

Muqdisho:-Warar aan ka helnay is-rasaaseyn khasaare geysatay oo xalay ka dhacday qeybo ka tirsan xaafadda Cali Geeddi ee degmada Kaaraan, taas oo u dhexeysay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad xilligaas dhac u geysaneysay dadka shacab ah, waxaana ka war-helay ciidamada Booliiska oo weerarka ku qaaday, iyada oo kadib halkaasi uu ku dhex-maray labada dhinac dagaal kooban.

Dhanka kale guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan ayaa beeniyey in burcad iyo ciidamada ammaanka ay isku dhaceen, isagoo sheegay in rasaastaasi ay u dhaxeysay ciidamo kala shakiyey oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaas, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen labo qof oo kale.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan ayaa sheegay in goor dhow ay faahfaahin buuxda ka bixi doonaan isku dhacii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee ka dhacay Kaaraan.