Beesha Caalamka oo ka digtay dib u dhac ku yimaada shirka arrimaha doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay soo afjaraan khilaafka ka dhashay heshiiska doorashada kaddib kulanka lagu wado in 15-ka bishan uu ka dhaco magaalada Garowe.

Waxay ka digeen Beesha Caalamka dib u dhac kasta oo ku yimaado shirka looga hadlayo arrimaha doorashada.

“Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.

“Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay”