Axmed Madoobe “Gedo oo dhammeystiran haddii lasoo celinin waayo doorasho ma galeyno”

Dhowr shir oo ay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya yeesheen ayaa caqabadihii ugu waaweynaa ee la isku mari waayay waxaa ka mid ahaa maamulidda gobolka Gedo.

Wararka kasoo baxayay shirkii ugu dambeeyay ee shantii bishan ku fashilmay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegayay in mar kale la isku mari waayay arrinta Gedo oo soo noqnoqtay.

Hase yeeshee dad badan oo isha ku haya khilaafka doorashada Soomaaliya waxay rajo ka qabeen in shir kale oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xal looga gaadho khilaafka doorashada.

Maamulka Jubaland ayaase maanta hoosta ka xariiqay in dhankooda aysan “doorasho ka qeyb gali doonin hadii lagu wareejin waayo dhammaan deegaannada gobolka Gedo”.

Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcaha ee BBC-da ayaa caddeeyay mowqifkan.

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.

Wuxuu intaas kusii daray: “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

BBC-du ma xaqiijin karto in eedeynta wasiirka ee ku aaddan “meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabasaday”.

Laakiin xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, oo isagana doodda qeyb ka ahaa ayaa difaacayay eedeymaha loo jeedinayay dowladda federeelka. Wuxuu ka jawaabay hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Jubaland.

“Waxaa la yaab leh wasiirku marna wuxuu leeyahay madaxweyne marna wuxuu leeyahay dal buu qabsaday. Soo madaxweynihii dalka ma aha? Meel la qabsaday annagu ma naqaanno, mana aannaan arag. Wax aan micno lahayn in doorashada lagu hakiyo ma aha. Hadda wasiirku go’aan buu gaadhay oo wuxuu yidhi annagu doorasho qaban meyno, mana rabno dooarsho. Hadde waayahaye marka umadda Soomaaliyeed bay u taallaa arrintaasi, wayna na dhageysanayaan, annagu laakiin doorasho ayaan rabnaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Sakariye.

Maxay tahay sababta ay Gedo xuddunta ugu noqotay khilaafka?

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in khilaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafnay January waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Bilowgii bishii September waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo la xiriiray isla arrintaas ka dib ciidamo in muddo ah isku hor fadhiyay magaalada Beledxaawo oo dowladda ay geysay ciidamo.

Magaalada Baledxaawo

Kulamadii madaxda maamul-goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ayey arrintaas hareysay, waxayna ku dhowaatay in ay caqabad ku noqoto heshiis laga gaaro sidii doorasho dalka ay uga dhici lahayd.

Ujeedada waxay tahay sidii ay mowqif mideysan uga gaari lahaayeen arrimaha doorashada ee uu muranka xooggan ka taagan yahay. Laakiin arrinta Gedo ayaa hareysay shirarkii Muqdisho.

Hadda, markale ayey Gedo xudun u noqotay khilaafka la xiriira arrimaha doorashada Soomaaliya, Ka dib markii madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in “ay doonayaan in gobolkaas lagu soo celiyo gacanta maamulkiisa”.

“Annaga ayaa xaq u leh inaan doorashada qabanno, dowladda federaalka ahna waxa ay xaq u leedahay waxay ku qoran yihiin warqadaha aan soo saarnay, meesha aan ku qaban karno ayeyna ku qabsoomi doontaa, inta ka horreysana waxaan filayaa in deegaannada ay gacanta maamulka dib ugu soo noqon doonaan,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Balse, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in arrintaas aysan aqbalin, waxayna ku adkeysaneysaa in ciidamada Dowladda aanan laga saareyn gobolka, taas oo ah mid uu Axmed Madoobe dalbaday.

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xuddun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Marar kala duwan ayey dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland ka dhaceen Gedo

Xalay ayuu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland dagaal culus oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, horay ayey ugu dagaallameen magaalada ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland, waxayna ka mid tahay goobaha ay Jubaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Arrinta kale ee iyana xusidda mudan waxay ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelatay doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono.

Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi ka soo baxaysa.

“Hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed, Axmed wuxuu ka ahaa xubin, asagoo runtii matalaadda uu meeshaas ku fadhiyo aysan ku qanacsaneyn inta badan dadka reer Jubbaland haddana wax baa lagu heshiiyay si kastaba ha u adkaadaane waa lasoo dhaweeyay, hadduu ka baxo wixii lagu heshiiyay waa arrin isaga gaar u ah. Gedo Axmed kama hadli karo, isagu gacanta kuma hayo, doorashaduna way ka dhaceysaa Gedo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan, Wasiirka Kuxigeenka Arimaha Gudaha Jubaland oo BBC Somali u warramnay bilowgii September.

Dhanka kale, maamulka hadda gacanta ku haya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jubaland ee ah inaanay doorasho ka dhici Karin Gedo sababo la xiriira in maamulkii uu u magacaabay aanay tagi karin isla markaana aan wali laga saarin gobolka ciidankii dawladda federaalku geysay. “