Warsaxaafadeed : Ururada bulshada rayidka oo soo jeediyay in Muqdisho lagu qabtaa shirka lagu baaqay.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa soo dhoweeyay shirka lagu baaqay 15 February in l qabto si loo xaliyo muranka ka taagan arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxay soo jeediyeen in Shirka lagu qabto Muqdisho, in wakiilo ka socda bulshada rayidka qeyb ka noqdaan iyo dhammaan dhinacyada aan looga maarmin.

Dhanka kale Waxay sidoo kale soo jeediyeen in la ilaaliyo xasiloonida Soomaaliya , islamarkaana cidii kasoo horjeesta shirka Muqdisho in xal lagu gaaro lagula xisaabtamo mas’uuliyada saaran.