Jaamacada Carabta oo gacan ka geysanayso qabsoomida shirka 15 Febrayo iyo Bayaan ay soo saartay. .

Bayaan Jaamacada Carabta laga soo saaray ayaa lagu booriyay Hogaamiyaasha Somalida inay garaan Xal waara oo Dalka uga qabsoomo Doorashoyinka Guud.

Bayaanka waxaa lagu yiri “Jaamacada Carabta waxay indhaha ku haysaa Xaalada Siyaasadeed ee Somalia” Bayaanka waxa uu intaa ku darayaa in Jaamacada Carabta ay si buuxda u taagersantahay inaan wax laga badelin heshiiskii 17ka September.

Jaamacada Carabta ayaa sheegtay inay taageerayso ayna ayidsantahay shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay qabsoomideedi 15ka Febraayo “,Gacan weyn ayaan ka geysan doonaa si xal waara dhinacyadu u gaaraan loona qabto doorashada Guud”.

Ugu dambeyn Bayaanka waxaa lagu sheegay in Jaamacada Carabta ay soo dhoweyneyso dadaala laga sameeyay la dagaalanka argagexisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida Somalia